Baarlamanka cusub ee Puntland oo saaka la dhaarinayo

Dhammaan xildhibaannada cusub ee Puntland ayaa saaka lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan xarunta Baarlamanka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xog-hayaha Baarlamanka Cabdirisaaq Xiddig Warsame ayaa lagu wargeliyay xubnaha cusub in soo xaadiraan munaasabadda dhaarinta Baarlamanka.

“Waxaa dhammaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 6-aad lagu wargelinayaa in ay soo xaadiraan munaasibadda dhaarinta xildhibaanada cusub”.

” Goobtu waa Xarunta Golaha Wakiillada. Waqtiguna waa 10:00 Am (Subaxnimo)” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xog-hayaha Baarlamanka Cabdirisaaq Xiddig Warsame.

PUNTLAND POST