Isimada dhaqanka Puntland oo go’aamiyay in doorashada 2024 lagu galo 49 xildhibaan

Isimada dhaqanka Puntland ayaa bayaan rasmi ah ka soo saaray xiisadda ka taagan arrimaha doorashada Puntland.

Isimada dhaqanka oo shir deg deg ah ku yeeehay Garoowe ayaa go’aamiyay in doorarashada lagu galo 49 xildhibaan islamarkaana la ixtiraamo go’aankii masiiriga ahaa ee SSC-Khaatumo.

Bayaanka isimada dhaqanka Puntland oo ay ku saxiixan yihiin ilaa 30 isin ayaa sidoo kale soo jeediyay in ay is casilaan xubnaha SSC-khaatumo kaga jira guddiga xallinta khilaafaadka doorashada.

Isimada dhaqanka ayaa sidoo kale magacaabay guddi isimo ah oo ka kooban 5 shan xubnood kuwaas oo korjoogteeya guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland.

Halkaan ka akhriso bayaanka isimada

PUNTLAND POST