
Doon ganacsi ayaa mar kale burcad hubaysan ka af-duubteen nawaaxiga xeebta degmada Eyl ee badweynta Hindiya.
Hay’adda ganacsiga badaha u qaabilsan dowladda Ingiriiska ee (UKMTO) ayaa jimcihii shaacisay in doonni ganacsi lagu af-duubtay xeebta degmada Eyl.
Qoraal ka soo baxay hay’adda ayay ku sheegtay in ay heshay macluumaad ku saabsan in koox aad u hubaysan doonni ganacsi ku af-duubteen nawaaxiga xeebta Eyl.
Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in ay weli baaritaan ku hayso dhacdada balse faahfaahin dheeri ah kama bixin doonta la af-duubtay.
Falalka burcad-badeedda ayaa muddooyinkii danbe ku soo laabtay xeebaha Soomaaliya waxaana todobaadyo ka hor doonni lagu af-duubtay xeebta Eyl inkastoo markii danbe la sii daayay.

PUNTLAND POST