Dekedda Garacad oo markii u horraysay laga bilaabi doono dhoofinta xoolaha

Dekedda magaalada Garacad ee Gobolka Mudug ayaa markii u horraysay  laga bilaabi doonaa dhoofinta xoolaha.

Mas’uuliyiinta gacanta ku haya maamulka dekedda Garacad ayaa shaaciyay in dekedda bilaha soo socda laga bilaabi doono dhoofinta.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in maxjar cusub laga hirgeliyay dekedda Garacad kaas oo lagu hubin doono caafimaadka xoolaha ka dhoofaya dekedda.

Dekedda Garacad ayaa la aamisan yahay in ay suuq weyn u noqon doonto xoolaha ka imaanaya bartamaha Soomaaliya iyo dowlad degaanka DDS.

PUNTLAND POST