
Taliska Somaliland ayaa sida lagu soo warramayo go’aansaday in ay weerar ku qaadaan jiidda Hawdka ee Maygaagle.
Xukuumadda Korneyl Muuse Biixi ayaa jiidda Qorilugud maalmahan ku soo guraysay maleeshiya-beeleed ururis ah oo loo abaabulayo duullaanka cusub.
Wararka dhinaca Amniga ah ayaa sheegaya in Somaliland dagaalkaas u abaabulayso si ay carqalad ugu samayso socdaal uu jiidda ku tegayo Hoggaamiyaha SSC-khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye.
Dhinaca kale ciidamada SSC oo heegan sare ku jira ayaa si dhaw ula socda dhaq dhaqaaqa Somaliland sida aan ka soo xigannay saraakiisha.
PUNTLAND POST