Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo shir isugu yeeray golaha dhaqanka SSC-khaatumo

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa shir Wada-tashi ah isugu yeeray golaha dhaqanka SSC-khaatumo.

Garaad Jaamac ayaa ugu baaqay isimada dhaqanka SSC in ay mudda shan cisho ah ku soo galaan Laascaanood si ay u yeeshaan shir wada-tashi ah.

Golaha isimada SSC ayaa shirkooda uga tashanaya sida laga yeelayo arrinta ka soo korortay doorashada Puntland gaar xulista xildhibaannada laga soo doorto SSC.

Dood adag ayaa ka taagan soo xulista xildhibaannada laga soo doorto SSC maadaama dadka degaankaasi yeesheen maamul gaar ah..

PUNTLAND POST