Faroole iyo Deni oo shir gaar ah ka yeelanaya Arrimaha doorashada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilo Madaxweyne hore Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Deni iyo Sen. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sida wararku sheegayaan shir gaar ah ka yeelanaya xaaladda Siyaasadeed ee Puntland gaar ahaanna Arrimaha doorashada 2024.

Mudane Faroole oo maanta lagu soo dhaweeyay Garoowe ayaa sheegay in wada-hadal lagu dhammayn doono khilaafka weli ka jira doorashada Madaxtinimada Puntland.

Waxaa la filaya in uu qayb ka noqdo dhex-dhexaadinta Baarlamanka iyo Madaxtooyada oo weli ku muransan Arrinta doorashada kadib markii Baarlamanku samaystay hal sano oo mudda kororsi ah.

PUNTLAND POST