Xukuumadda Puntland oo shaacisay in gebi ahaanba la kala dirayo Baarlamanka Puntland

Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa shaacisay in ay tallaabooyin sharciga waafaqsan ka qaadayso Baarlamanka Puntland kadib markii uu samaystay mudda kororsi hal sano ah.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi bixiyay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay mudda kordhinta sannadka ah ee uu samaystay Baarlamanka

Wasiirka Caydiid ayaa sheegay in gebi ahaanba dikreeto Madaxweyne ama go’aan Maxkamadeed lagu kala dirayo Baarlamanka hadda jira islamarkaana la bilaabi doono xulista xildhibaanno cusub.

“Laba qodob ayaa mid soo baxaya; Madaxeeynuhu in uu dikreeto soo saaro oo Baarlamanka kala diro iyo in Maxkamadda Dastuuriga ah xukun ka soo saarto oo buriso go’aankooda kadibna kala dirto” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii xildhibaannada Baarlamanku diidaan go’aanka kala dirista markaas kadib sharciga lagu qaadayo oo la qa-qabanayo maadaama aysan xasaanad lahayn.

“Haddii ay diidaan oo sharciga u hoggaansami waayaan waa bilaa xasaanad waxay la mid yihiim dadka kale sharciga ayaana lagu qabanaya” ayuu sii raaciyay wasiirka Warfaafinta Puntland.

PUNTLAND POST