
Dagaal xooggan oo dhawr jiho ah ayaa saaka ka socda nawaaxiga Buq-dharkayn oo dhaca duleedka degaanka Yeyle.
Ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiyaad beelaysan ayaa saaka aroortii hore weerar dhawr jiho ah ku soo qaaday difaacyada hore ee ciidamada SSC-khaatumo.
Ciidamada SSC ayaa iska caabiyay maleeshiyaadka soo duulay waxaana halkaasi ka socda dagaal culus sida laga soo xigtay goob-joogayaal ku sugan degaanka Yeyle.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa laga soo sheegaya dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin tirada khasaaraha labada dhinac.
PUNTLAND POST