
Somaliland ayaa maleeshiyaad beelaysan ku daabulaysa jiidda Goldheero iyo Buq-dharkayn oo dhaca duleedka degaanka Yeyle.
Wararka ayaa sheegaya in Somaliland galabta maleeshiyaad horleh ku soo gurtay jiidda Buq-dharkayn halkaas oo laga dareemayo saan-saan dagaal.
Dhaq dhaqaaqa ciidan ee ka aloosan jiidda Buq-dharkayn ayaa sidoo kale sii xoogaystay saacadihii u danbeeyay inkastoo aysan weli dhicin wax iska hor-imaadyo ah.
Ciidamada SSC ayaa dhankooda lagu soo warranaya in ay heegan ugu jiraan sidii ay degaanka uga difaaci lahaayeen malesshiyaadka soo duulay ee Somaliland.
PUNTLAND POST