
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal beeleed ka socda tuulada Buq-dharkayn oo ka tirsan degaanka Yeyle ee galbeedka gobolka Sool.
Dhawaqa rasaasta qoryaha daran-doorriga u dhaca ayaa laga maqlayaa nawaaxiga Buq-dharkayn waxaana la sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xooggan.
Dagaalkaas ayaa sida lagu soo warramayo u dhexeeya laba maleeshiya-beeleed oo ka soo kala jeeda SSC-khaatumo iyo Somaliland.
Wararka hordhaca ah ayaa tibaaxaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay dagaalka inkastoo aan weli xog sugan laga helin.
PUNTLAND POST