
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan albaabadu u xiran yihiin ka yeelanaya xaaladda ka sii daraysa ee Qasa.
Shirkan ayaa waxaa dalbaday Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha,sida lagu baahiyay barta Golaha Golaha Ammaanka ee SCR.
Israa’iil ayaa waydiisatay Maraykanka in ay helaan 24,000 oo qoryo ah, sida uu sheegay wargeyska New York Times.
Codsigan waxaa walaac ka muujiyay Congress-ka iyo saraakiisha waaxda arrimaha dibadda, maaddama ay aaminsan yihiin in Israa’iil laga yaabo inay hubkan u qaybiso dadka rayidka ah ee deggan Daanta Galbeed.
Tani waxay kordhinaysaa xiisadda haddii Israa’iiliyiinta rayidka ah u adeegsadaan hub si ay u weerarraan Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed.
PUNTLAND POST