
Guddoomiyaha degmada Baardheere oo sheegay in roob ka da’ay guud ahaan gobolka Gedo uu sameeyn ku yeeshay Shacabka.
Waxaa isa soo tarayo samaynta ka dhalatay Roobka deyrta oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay degaanno badan oo ka tirsan gobolka Gedo.
Roobabka waxaa ka dhashay fatahaado iyo daadad geystay qasaare dhimasho iyo bur-bur hantiyeed, waxana meelaha qaar laga soo warinayaa in ay jiraan barakac xooggan
Guddoomiyaha degmada Baardheere Maxamed wali Yuusuf Qorax ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto degmada iyo guud ahaan gobolka waxa uuna dowladda iyo Maamulka jubaland ugu baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro Qoysaska oo roobka sameeyay.
Wararka waxa ay intaa ku daraya in laga cabsi qabo in ay go’do Buundada degmada Baardheere oo biyuhu buux dhaafiyeen.
PUNTLAND POST