
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa soo geba-gabeeyay safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Garoowe.
Safarka madaxweyne ku xigeenka ayaa imaanaya, iyadoo uu dalka ka maqan yahay madaxweyne Siciid Deni oo safar ugu baxay waddanka Imaaraatiga Carbeed.
Safarkiisa ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli uu Puntland weli ka taagan yahay khilaaf ku salaysan hubanti la’aanta doorashada madaxtinimada ee 2024.
PUNTLAND POST