Somaliland iyo SSC-Khaatumo oo mar kale qarka u saaran in ay dagaallamaan

Ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland ayaa mar kale dagaal qarka u saaran sida ay sheegayaan wararka laga helayo jiidda dagaalka.

Xiisadda labada dhinac ayaa ku sii durkaysa dagaal toos ah waxaana lagu soo warramayaa in uu socdo dhaq dhaqaq ciidan iyo diyaar-garow xooggan oo laga dareemayo jiidaha hore.

Maamulka Somaliland ayaa muddooyinkii danbe diyaarinayay abaabul ciidan iyo qorista maleeshiyaad cusub waxaana saraakiishoodu sheegeen in ay dagaal rogaal celin ah ku qaadayaan dhulka SSC.

Ciidamada Somaliland ayaa si ba’an loogu jebiyay dagaalkii u danbeeyay ee labada dhinac dhexmaray 25 Agoosto ee sannadkan kaas oo gebi ahaanba lagaga saaray dhulka SSC-khaatumo.

PUNTLAND POST