Maxkamadda Ciidamada Jubaland oo xukun dil ah ridday

Maxkamadda ciidamadaJubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay nin lagu helay in uu hore dil uga geystay magaalada Kismaayo.

Gacan ku dhiigle Maxamed Cabdullaahi Siciid (Maxamed Khadar) oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland ayaa horay u dilay AUN Maxamed Deeq Nuune Saalax taariikhdu markay ahayd lixdii Bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa dhagaystay dhowr mar oo kala duwan garmaqalka kiiskan maanta xukunkiisa ay ku dhawaaqday.

G/Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed (Qam-dariiran) Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa ku dhawaaqay xukunka.

PUNTLAND POST