Ciidamada Israa’iil oo ku fashilmay in ay soo furtaan maxaabiis Xamaas haysato

Askari Israa’iili ah ayaa lagu dilay Qasa, kuwa kale na waa lagu dhaawacay xilli ay iskudayayeen inay soo furtaan dadka ay Xamaas heysto.

Afhayeenka ciidamada Israel Daniel Hagari ayaa baraha bulshada ku faafiyay in tirada askarta la dhaawacay ay yihiin saddex.

Waxaa la weeraray xilli ay ku gudo jireen baaritaanka dadka ay kooxda Xamaas ka qabsatay Israel inta uu socdo dagaalka marinka Qasa.

Gantaal ayaa lagu weeraray askarta iyo gaadiidkooda iyaga oo ku sugan gudaha Qasa. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin goobta rasmiga ee askariga lagu dilay.

PUNTLAND POST