Boqor Burhaan boqor Muuse oo maanta lagu soo dhaweeyay Garoowe

Boqor Burhaan boqor Muuse oo ka soo kicitimay magaalada Qardho ayaa maanta soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe.

Boqorka waxaa magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay bahda dhaqanka, oo ay hoggaaminayaan isimada, islamarkaana ay weheliyaan cuqaal iyo waxagarad kala duwan.

Soo dhaweynta kadib, boqorka oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyay dhammaan ikhyaartii soo dhaweysay oo ay u horreeyaan isimada dhaqanka.

Boqor Burhaan boqor Muuse ayaa sidoo kale dadka reer Puntland ugu baaqay in ay wadajir iyo xasilooni kaga gudbaan marxaladdan kala guurka ah oo uu sii dhammaanayo mudda xileedka dowladda.

Warar ku saabsan imaatinka boqorka ayaa sidoo kale sheegaya socdaalkiisu la xiriiro shir weyne isimada Puntland ku yeelanaya Garoowe oo la xiriira arrimaha doorashada 2024.

PUNTLAND POST