Danjire Cawad “Ma jirto Xukuumad baabi’in karta Awoodda Isimada Puntland”

Siyaasi Axmed Ciise Cawad oo hadal ka jeediyay Shirka ay ku midaysan yihiin Mucaaradka Puntland ee Maanta ka furmay Caasimadda Garoowe ayaa baaq deg deg ah u diray dhammaan Isimada Puntland.

Mudane Cawad ayaa sheegay in guud ahaan Isimada ay marjac u yihiin Go’aaminta Masiirka iyo Talada Puntland islamarkaana aysan jirin Xukuumad baabi’in karta Awoodda Isimada si kasta oo ay isu-gu daydo.

“Isimada waxaan dhahaya; dalka idinkaa halkaan soo gaarsiiyay,  idinkaa Laf-dhabar u ahaa, idinkaa Marjac u ahaa. Awooddaas cid idinka qaadi kartaa ma jirto, Xukuumad kasta oo isku dayda” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Danjire Cawad ayaa sidoo kale Isimada xasuusiyay in Maanta Puntland u baahan tahay Taladii iyo Guddoonkoodii xikmadaysnaa si loo badbaadiyo Marxaladdan taagan.

“Puntland mar kale ayay idiin baahan tahay Maanta in aad Xikmaddiini iyo Talo Wanaagiinni aad ku badbaadisaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

PUNTLAND POST