Wararkii u danbeeyay ee dagaal xalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo

Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas uu xalay ka dhacay dagaal xooggan.

Dagaalka ayaa sida lagu warramayo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo qaar kamid ah jamaahiirta Ceerigaabo oo taageersan maamulka SSC-Khaatumo.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka oo mudda saacado ah ka socday magaalada inkastoo aan faahfaahin sugan laga helin tirada khasaaraha dhacay.

Wararka ayaa tilmaamaya in jamaahiirta Ceerigaabo ay qabsadeen saldhigyada ciidamada Somaliland qaarkood balse dib uga baxeen markii danbe.

Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaa saaka deggan waxaana socda dadaal ay samaynayaan odayaasha iyo waxgaradka si ay u xakameeyaan in aysan xiisaddu sii socon.

PUNTLAND POST