Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku casumay Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Awcali (Fardhiye) ayaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay marti qaad Rasmi ah ka helay Villa Somalia.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku casumay Hoggaamiye Firdhiye sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqdo Muqdisho kadib Casumaadda uu ka helay Ra’iisul wasaare Xamse.

Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa la kulmaya Madaxda dowladda Federaalka iyo sidoo kale Beesha Caalamka gaar ahaanna Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Deeq-bixiyaasha ku sugan Muqdisho.

Dhinacyada ayaa la filayaa in uu kala hadlo Arrimaha Mashaariicda Horumarinta iyo Gargaarka bini’aadanimo islamarkaana uu ka dalbado Hay’adaha kala duwan in ay ka hawl-galaan Gobollada SSC-Khaatumo.

PUNTLAND POST