Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhuusamareeb ku qaabilay qaar kamid ah Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda degaanada dowlad-goboleedka Koonfur-gabeed.

Siyaasiyiinta Koonfur-galbeed oo Dhuusamareeb u yimid garab istaagga ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira AS ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur-galbeed iyo tallooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay qaataan doorkooda dagaalka ciribtirka Argagixisada.

Madaxweynaha oo Guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa AS, isaga oo adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah argagixisada.

PUNTLAND POST