Puntland iyo deeq-bixiyaasha Caalamka oo dhawaan shirar hoose ku yeelanaya Nairobi

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in uu shirar hoose la yeesho wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu dhawaan Nairobi kula shirayo qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka iyo deeq-bixiyaasha kala duwan.

Labada dhinac ayaa sida la sheegayo ka wada-hadli doona arrimaha mashaariicda horumarinta iyo gargaarka binii’aadanimo ee laga fuliyo degaannada Puntland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Deni uu deeq-bixiyaasha ka dalban doono in Puntland si gaar ah loo siiyo mashaariicda horumarinta iyo kuwa gargaarka bini’aadanimo.

PUNTLAND POST