Yaa hubiya tayada buugagga loogu talagalay dugsiyada Soomaaliya?

Muqdisho ( Faallo) — Toddobaadkii hore waxaa soo ifbaxday in khariidad ku sawiran buug loogu talagalay ardayda dugsiga Puntland ay fidinayso aragtida goosasho-doonka. Khariidad maamulka Hargeysa isticmaalo si uu ugu doodo in Somaliland dal go’ay tahay bay ardaydu akhrisanayeen ugu yaraan labo sanad-dugsiyeed. La yaab ma ahaan lahayn haddii buugga loogu talagali lahaa dugsiyo ku yaalla meelaha maamulka Somaliland ka taliyo si carruurta loogu ababiyo in Soomaaliya kala go’day.

Khariidadda lagu soo sawiray buug ardayda Puntland wax ka bartaan

Xafiiskii Manaajitka ee dowlkaddii kacaanka wuxuu lahaa guddiyo xirfadlayaal ah oo ku xeeldheer maaddooyinka ardayda la barayo. Shaqadoodu waxay ahayd inay hubiyaan waxa buugagga lagu soo qorayo. Fiiro gaar ah waxaa loo lalaa maddooyinka cilmiga bulshada sida taariikhda iyo juqraafiga. Puntland sida muuqata ma laha guddi u qaaabilsan manaahijta oo hubiya waxa lagu qorayo buugagga ardaydu wax ka baran doonaan.

Taageerayaasha goosasho-doonku waxay ilduufka xilkasnimo-darrada ah ee Puntland u arkeen fursad ay ku soo bandhigaan doodda ah: “Puntland ayaaba oggol xudduudihii gumeysigu ka tagay oo waliba u dhigta ardaydooda.” Immisa buug oo noocaas oo kale ayaa ka mid ah manhajka Puntland?

In dowladda Puntland joojisay buugga khariiddada marinhabaabinta ah lagu soo sawiray kuma filna. In baaris iyo dib-u-eegis madaxbannaan lagu sameeyo manhajka Puntland ayaa loo baahan yahay. Ma aha shaqo ay dowladda Punland kaliya qaban karto. Waa in guddiga la magacaabo aysan dowladda jirta oo kaliya xubnahiisa soo magacaabin.

Dhaqandoorin

Buugga Ingiriiska fasalka lixaad ee dugsiyada Somaliland waxaa ku jira daanyeer loo bixiyay Maxamed

Maamulka Somaliland qudhiisu wuxuu soo saaray buugag meel ka dhac ku ah diinta, sida dad badan ay qabaan. Buugga af Ingiriiska ee fasalka lixaad ee dugsiga hoose cutubka seddexaad (“Good and Bad”) waxaa ku jira daanyeer loo bixiyay Maxamed. ”Do you remember Mohamed? Mohamed is a monkey.” (Miyaad xusuusataaa Maxamed? Maxamed waa daanyeer) ayaa ku qoran casharka. Dalalka dadku diinta Masiixiga haystaan ma dhici karto in daanyeer loo bixiyo Jesus “Nabi Ciise”. Waxaa la dhowrayaa dareenka dadka diintaas aamminsan. Somaliland, sida Puntland, ma laha guddi hubiya in la dhowro anshaxa buug daabicista gaar ahaan buugag loogu talagalay carruur. Waa arrin aysan ku baraarugsanayn dadka maamula dugsiyada Hargeysa. Way suurtowdaa in buuggaas mid la mid ah uu ka mid yahay manhajka Puntland ama manaahijta gobollada kale ee Soomaaliya. Ma aha arrin Soomaalidu dhayalsan karto in manaahijta dugsiyadu noqdaan mashruuc hay’ado samafal ah iyo shirkado gaar loo leeyahay oo aan lala xisaabtami karin soo diyaariyaan.

© Puntland Post, 2023