SSC-Khaatumo oo maxaabiis dhaawacyo culus qaba ku wareejisay Somaliland

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ayaa shaacisay in ay fududaysay wareejinta laba maxbuus oo dhaawac ah kuwaas SSC-Khaatumo ku qabatay dagaalkii Laascaanood.

Labada maxbuus oo dhaawacyo culus qabay ayaa lagu daweeyay magaalada Garoowe ka hor inta aan lagu wareejin Somaliland sida ay shaacisay hay’adda Laanqeyrta Cas.

Hay’adda ICRC ayaa sidoo kale sheegtay in ay booqatay maxaabiista labada dhinac ee ku kala xiran Hargeysa iyo Laascaanood islamarkaana ay xaaladooda u kuur-gashay.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa dhinaca kale xaqiijiyay wareejinta labada maxbuus ee dhaawacyada qabay oo loo gudbiyay magaalada Hargeysa.

PUNTLAND POST