Cawad oo ka hadlay xaaladda SSC

Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Amb. Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay arrinta maamulka cusub ee degaanadda SSC, uguna  baaqay Somaaliland nabad iyo xasilooni, dhanka kalena ka codsaday dowladda federalka Somaaliya in Goojacadde noqoto kulliyadda sare ee dagaalka ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya.

Wasiirkii hore arrimaha dibadda ee Dowladda federalka soomaaliya, Amb Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay dagaaladii ugu danbeeyey ee Degaanka SSC Soomaalya ayaa ku baaqay Nabad, farriinna u diray dadka walaalaha ah Somaliland iyo SSC iyo in loo wada istaago  Nabadda iyo xasiiloonida degaamadda guud, si gaarna ahna ula hadlay Maamulka Somaaliland is xaaladda la deiyo, loona baahan yahay in aan horumarka la gaaray loo badelin burbur iyo   degaanadaas oo dib loogu celiyo waqtiyadii xasilooni darrada ee siddeemaddkii.

Wasiir Cawad wuxuu qiray in degaanadaas ay ka muuqatay soo kabasho iyo horumar baaxad leh oo isi soo tarayey labaatankii sano ee ugu danbeeyey aanna sinaba caqli gal u ahayn in horumarka laga doorbido burbur dhinacyo badan ah, wuxuuna ugu baaqay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu joojiyo colaadaha uu weli ku howlan yahay in ay gayigaas Soomaaliyeed ka sii socdaan, wasiir Cawad wuxuu tibaaxay in dadka dagaankaasi yihiin dad wax badan wadaaga oo aan sina u kala maarmi karin ee lo baahan yahay in dadka degaanka la isi soo dhaweeyo, ganacsigii, nabadii iyo isu socodkii bulshada dib loo soo celiyo.

Dhanka kale wuxuu bogaadiyey qaabkii ay maamulka cusub ee SSC ula dhaqmeen dadkii walaalahood ahaa ee lagu qabtay dagaalkii ugu danbeeyey ee 25/08/2023 iyo in dhankooda ay ku baaqeen in aysan marna doonayn colaad sii socota, ciidankoodana ay ku ekeeyeen degaannadooda oo aysan u gudbin deeganooda dadka kale ee walaalahood ah, taasina wuxuu sheegay in ay muujinayso hufnaan caddaaladeed  iyo tusaale wanaagsan, iyo in laga hortago xadgudubyada iyo damaaci caadifaysan.

Wasiir cawad  wuxuu talo ahaan soo jeediyey in ay dowladda federalku qaadato doorkeeda xoojinta midnimada soomaaliya, Goojacaddena  loo asteeyo xarunta dhexe ee taliska 2aad ee ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ku sababeeyay in ay ku taal meel istaratiiji ah oo laga ilaalin karo danaha guud ee Soomaaliya iyo kuwa dalalka deriska ahba.

Ugu danbayn wasiir Cawad waxa uu ummaadda Soomaaliyeed, dowladda federalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ahba ugu baaqay in loo gurmado dib u dejinna loo sameeyo dadkii horay dagaaladu uga bara kaciyeen degaanadoodii , gaar ahaan magaaladda laascaanood.

PUNTLAND POST