Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 7aad

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!)

AMISOM/ATMIS waxay ilaalinaysaa kuwa dalka boobaya ee kala qoqobay! Adiga yaa dadkaaga iyo dalkaaga kuu ilaalinaya?!…

Dalka waxaa loo diyaariyay dhagar aad loo soo qorsheeyay oo si taxaddar ku jiro looga fekeray oo looga fiirsaday, looguna talo galay in lagu hantiyo taladiisa mustaqbalka fog. Markii la ogaaday inaan xoog iyo dagaal fool ka fool ah khasaaro mooyee aan waxba looga qaadeyn dadka Soomaaliyeed! Waxaa la sameeyay nidaam ay isku waafaqsanyihiin waxa Beesha Caalamka isugu yeera innagana magacaas laynoo baray xataa reer baadiyaheenna ay ku riyoodaan magacooda iyagoo u fahamsan inay yihiin gargaarayaal u kaalmeeya dadka Soomaaliyeed!… Waa laga yaabaa inaad marar badan aragto oday reer miyi ah oo dhibaato tirsanaya isagoo leh “Waxaan u sheegeynaa Beesha Caalamka!.. waxaan ka codsaneynaa Beesha Caalamka!” dalalka shisheeyuhu waxay magacaas u adeegsadeen nidaam dhagar ah oo ay wax kasta kaga sameysteen dalka wixii ay iyagu ku heshiin waayeen mooyee!… Qorshayaashaas waxaa ugu muhiimsanaa in dalka laga tirtiro isla markaasna laga fogeeyo siyaasaddiisa iyo taladiisa siyaasiga ama mas’uulka saykolojigiisa ama fikirkiisa, ama siyaasaddiisa laga garto ama laga dareemo Wadaniyad iyo inuu yaqaan ama garan karo Cadowga dalka!

Waxaa loo qaadan karaa in arrintaas aad loogu guuleystay, guusha taas laga gaaray waxay fududeysay qaybihii kale ee qorshihii la rabay in dalka lagu qabsado, oo ay ka mid yihiin in dadka Soomaaliyeed muddo dheer lagu hayo kala qoqobnaantii ay colaaddu sababta u ahayd, oo xataa waxaa jira xogo mar hore soo baxay oo sheegayay in qeybo ka mid ah sir-doonka shisheeyaha ee dalka buux dhaafshay ay meelo badan ka abuureen jawi tuhun iyo kala shakin joogta ah dhex dhigay dadka, taasoo markaas looga dan lahaa in lagu dilo ama lagu tirtiro dareenka iyo nuxurka sokeeyenimo ee Soomaalinimmada ah ee isku haya dadka, isla markaasna ah tiirka midnimmadooda, waxaana lagu bedelay in xiriir kasta, wada hadal kasta, iyo wada tashi kasta oo dhex maraya Soomaalida ay xiriiriso waxa Beesha Caalamka loogu yeero, taasi waxay meesha ka saartay dhaqan waligiis soo jiray oo ahaa in Soomaalidu arrimaheeda aysan talo ku yeelan cid shisheeye ah, waxaana la oggoleysiiyay mas’uuliyiintii Soomaaliyeed shisheeyihii ay dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaanba ka qarsan jireen tallada! Heer la oggoleysiiyay in talada dalka ay la qeybsadaan dalalka deriska ah….Natiijada qorshahaas waxay si cad uga muuqataa sida gobol kasta uga go’doonsanyahay midka ku dheggan, iyadoo wali ay jirto in mid kasta tebayo waaxda ka maqan!…waan kaalin ay gabeen Dhallin-yarrada uu qalbigoodu caajisay sida qof gaboobay!

Waxaa xusid mudan in shirkii Mbagaathi ee Soomaalida loogu qabtay dalka Kenya uu muhiim u ahaa dalalka shisheeyaha ahaa ee shirka daadihinayay oo ay ugu horeeyaan Itoobiya iyo Kenya in ka badan in Soomaalida la heshiisiiyo, waayo xubnaha erggada ee shirkaas fadhiyay oo ay ku dhammaayeen Qabqablayaal iyo siyaasiyiin heer kastaba ah, waxay dalalka shisheeyaha ah u adeegsadeen xarun lagu daraasadeeyo muddo labo sano ah shakhsiyadda siyaasiga Soomaaliyeed waxa ay tahay!…Muxuu ku fekeraa? Sidee u fekeraa? Maxaa muhiim u ah?! Ilaa heer intee la eg buu culeys ku hayaa xilka iyo adeegga uu dadka u hayo?!…Waxaana safiirrada iyo wakiillada ay dalalka shisheeyaha ah shirkaas u soo dirsadeen ka fara badnaa sir-doonka ciidammada iyo xeel-dheerayaasha la taliyeyaasha u ah dowladahooda. Waxaana shaki la’aan ah inay wax badan ka barteen, waana sababta ugu weyn ee fududeysay sida shisheeyuhu hadda ula dhaqmaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo iney kula dhiiradaan musuqmaasuq ama ay yiraahdaan dalkiina qeybo innaga siiya!..

Shirkaas intii uu socday waxyaabaha aad loo soo hadal qaaday  oo aan ku jirin ajandayaasha shirka waxaa ka mid ahaa in laga hadlay in Soomaalidu tahay dad hal sinji ah, hal diin heysta, hal af ku hadla, sidaa daraadeed ay ku wanaagsanaan lahayd in sinjiyo iyo diimo kala duwan laga helo! Laakiin sidee lagu keenayaa?! Ergeda shisheeyaha ah ee shirkaas fadhisay, si bareer ah talo noocaas uma soo jeedin karin, hasa ahaatee waxay u soo mareen in dastuurka lagu daro qodobo suura gelinaya in diinta uu rabo qofka qaadan karo oo xor u yahay, in qofka isagoo Soomaali ah uu sinjiyad kale haysan karo, oo kulligood macno ahaan loo qeexayo inay yihiin qodobo ka mid ah xuquuqda aasaasiga ah ee qofka bini aadanka ah, laakiin danta laga leeyahay aysan taas ahayn! Hasa ahaatee, December 11, 2003, ergedii waxa Beesha Caalamka loogu yeero waxay shirka u soo jeediyeen in ergada shirka lagu daro xubno 7-11 lagu sheegay oo gaalo ah, kuwaasoo la sheegay in ay ka socdaan Ururka Bulshada Masiixiyiinta Soomaalida (Somali Christian Community) waxayna u ekeyd in lagu soo aadiyay xafllad labo munaasabadood oo laysku daray uu machadkii shirka marti geliyay ama ergeda shirka loogu qabtay ee Kenya College of Communication Technology uu ugu dabaal degay in shirka u buuxsantay muddo hal sano ah, iyo tii misiixiyiinta (Christmas) waxaana si adag uga hor yimid erggedii shirka fadhiday oo diidmo adag kala hor tegay.

Diidmadaas waxaa ka dhashay inay erggadii shisheeyaha ahayd la timaado qorshe cusub, waxayna ku dagaalantay oo dadaal adag u gashay in la fududeeyo qawaaniinta qaadashada sinjiyadda Soomaaliya! Waxaa si cad oo aan la inkiri kareyn ergedii shisheeyaha ahayd ee daadihineysay shirka ay waxyaabo badan ku darsatay dhammaan qodobbadii lagu heshiiyay iyo diyaarintii dastuurka qabyada ahaa, waxaana hadal hayntu u badatay in loo baahanyahay in dalka Soomaaliyeed laga dhigo dhul ay deggenyihiin dadyow kala duwan… ujeeddad iyo waxa loo dan leeyahay waa wax iska muuqda! Waxaana jira in siyaabo badan la doonayo in dalka Soomaaliya laga dhigo mid ay ku noolyihiin dad kala duwan oo aan isku dhaqan ahayn, oo kala diin ah, oo haddii ay suuro gal noqoneyso dadka Soomaalida la gaarsiiyo heer looga tiro badanyahay dalkooda, waana qeyb ka mid ah qorshah ais dhex-galka dadka ee uu soo jeediyay kuna shaqeynayo Abiy Axmed…Feker!… Dhallin-yarro, hareerahaaga fiiri!…  

La Soco Beri