Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay siihayaha safiirka Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Al-shabaab iyo arrimaha bani’aadamminimada.

Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Xukuumaddiisa ciribtirka kooxda Al-shabaab iyo guud ahaan dalka laga sifeeyo muddo gaaban kooxdaas.

Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka Al-shabaab iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST