Baarlamanka Puntland oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka Puntland

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa saaka oo Talaado ah ansixiyay wax ka beddelka dastuurka Puntland.

Fadhiga saaka oo ay soo xaadireen 60 mudane waxay aqlabiyad leh ku meelmariyeen ansixinta wax-ka-bedelka dastuurka dowladda Puntland.

54 xildhibaan ayaa ogol ugu codeeyay ansixinta wax-ka-bedelka dastuurka halka ay diideen 6 mudane islamarkaana ma jirin cid ka aamustay.

“Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Dastuurka” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Baarlamanka.

“Waxaa Oggol ugu codeeyay 54 mudane, Diidmo 6, cid ka aamustayna ma jirin. Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 60 Xildhibaan” ayuu ku sii daray qoraalkaas.

PUNTLAND POST