
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Joseph Kabila, in uu gabbaad siiyay maleeshiyada Daacish.
Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in Joseph Kabila u ogolaaday Daacish in ay ka faa’iideystaan macdanta iyo alwaaxda dalka Congo, oo ay dhaqaalaha ay ka heleen u adeegsadeen in ay ku dhisaan awooddooda.
Jabhad horey fadhigeedu u ahaa Uganda, Allied Democratic Forces (ADF), oo baayaco la gashay Daacish 2019, ayaa muddo sanado ah ka howl-galeysay kaymaha dalka deriska ah ee Congo, ayada oo fulineysa dilal ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo shacabka.
Bishii tagtay, dagaal-yahannada kooxda ayaa usoo gudbay xuduudda Uganda, waxayna weerareen iskuul ayaga oo xasuuqay 42 qof, oo badankood ahaa caruur. Qaarkood ayaa nolosha lagu gubay.
PUNTLAND POST