Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay ergeyga cusub ee Qarammada Midoobey ee Soomaaliya

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta kulankii u horreeyay ku qaabilay ergeyga cusub ee Qarammada Midoobey ee Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor Qoor oo u weheliyo Madaxweyne  kuxigeenka Galmudug ayaa qasriga madaxtooyada Dhuusamarreeb ku qaabilay ergeyga cusub ee Qarammada Midoobey u qaabilsan  Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wefdi ay hoggaaminaysay.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo wefdiga Qaramada Midoobay ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, heshiiskii Madasha, arrimaha doorashooyinka, la dagaalanka argagaxisada iyo sidoo kale arrimaha xasilinta.

“Madaxweynaha iyo wafdiga QM ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, heshiiskii Madasha, arrimaha doorashooyinka, la dagaalanka argagaxisada iyo sidoo kale arrimaha xasilinta” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

PUNTLAND POST