Dagaal beeleed xooggan oo ka qarxay Gobolka Togdheer

Dagaal beeleed xooggan ayaa maanta ka qarxay miyiga degaanka Dhaal-maygaag oo ka tirsan Gobolka Togdheer.

Wararka ayaa sheegaya in muran dhuleed uu muddooyinkii danbe ka taagnaa miyigaas Dhaal-maygaag oo u dhexeeya degaanada Horyaal iyo Qorilugud.

Dhinacyada dagaallamaya ayaa ka soo kala jeeda labada maamul ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ka qarxay dhulka ciidka ah halka dhinaca kalena uu weli taagan yahay dagaalkii Laascaanood.

PUNTLAND POST