
Shirkadda Twitter ayaa ku hanjabtay inay maxkamad la tiigsan doonto shirkadda Meta saacado kadib markii ay billowday app cusub oo la yiraahdo Threads oo loogu talo-galay inuu la tartamo twitter.
Warqada uu u diray madaxa Meta Mark Zuckerberg, oo ay daabacday warbaahinta Semafor , ayaa qareenka Elon Musk, Alex Spiro wuxuu ku eedeeyey Meta “in ay si sharci-darro ah u isticmaashay siraha ganacsi iyo hantida caqli,” ee twitter.
Warqadda ayaa ku eedeysay Meta in ay shaqaaleysay tobanaan ka mid ah shaqaalihii hore ee twitter “kuwaas oo weli heli karay sirta ganacsi ee twitter iyo xog kale oo aad sir u ah.”
Sidoo kale, qoraal uu Elon Musk soo dhigay twitter, oo la xiriira tallaabada sharciga ah ee ka dhanka ah Meta, ayuu ku yiri “tartanka waa wanaagsan yahay, balse qishka maya.”
Threads ayaa ah loolankii ugu adkaa ee ay wajahdo twitter, oo uu leeyahay Elon Musk, taasi oo ay kusoo baxeen dhowr app oo kala duwan.
PUNTLAND POST