
Taliska Millatariga Soomaaliya iyo Hoggaanka Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ayaa wada-hadal gaar ah ka yeeshay dagaalka Al-shabaab.
Taliyaha Ciidamada Millatariga Soomaaliya S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan gaar ah Muqddisho kula yeeshay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM Gen. Micheal Langley.
Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo dardar gelinta dagaalka lagu cirib-tirayo maleeshiyaadka Al-shabaab sida ay sheegtay wakaaladda Wararka ee SONNA.
PUNTLAND POST