
Maxkamada derejada kowaad ee Boosaaso ayaa maanta xukuntay Shan nin oo gabood-fal ku sameeyay qoys danyar ah.
Kooxdan ayaa lagu helay danbi ah in ay qoyska gurigooda ugu dhaceen xilli habeen ah oo la hurday, islamarkaana dil iyo gubis ugu hanjabeen, si ay u cabsi geliyaan.
Yuusuf Axmed Cali oo hoggaaminayay kooxda ayaa lagu xukumay lix sano oo xabsi ah halka afarta kale lagu xukumay min shan sano.
Waxa dhammaantood sidoo kale lagu xukumay min $4,000 oo doollar oo ah magdhowga muuqaalka ay faafiyeen iyo min $1,000 doollar oo kale oo ganaax guud ah.
PUNTLAND POST