Laascaanood: Ciidamada Somaliland oo markii u horraysay lagu dagaal-gelinayo summad-qabiil

Ciidamada Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde ayaa sida lagu soo warramayo markii u horraysay lagu hawl-gelinayaa summad-qabiil.

Dagaalladii u danbeeyay ee ka dhacay Gobolka Sool ayaa sida la xaqiijinayo is-tuhun iyo kala shaki beelaysan ka dhex abuuray ciidamada Somaliland.

Ciidamada qaarkood ayaa marar kala duwan gadood sameeyay islamarkaana ka amar qaadan waayay Taliskooda taas oo kala daadisay haykalkoodii guud.

Wararka ayaa sheegaya in Korneyl Muuse Biixi si uu arrintaas u maareeyo uu ciidan kasta oo hal beel ka soo jeeda ku qoray furin gaar kadibna taliye uga dhigay nin ay isku hayb yihiin.

Tallaabadaas ayaa muujinaysa xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland xilli aanu weli dhinac u dhicin dagaalka Laascaanood iyadoo labada dhinac abaabul ciidan wadaan.

PUNTLAND POST