
Ciidamada Amniga magaalada Baydhabo ayaa soo bandhigay 10 xubnood oo sida ay sheegeen iska soo dhiibay Al-shabaab.
Saraakiisha Laamaha Amniga Baydhabo ayaa sheegay in xubnaha isa soo dhiibay ay ka tirsan yihiin kooxda Jabhadaha u qaabilsan Al-shabaab.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay xubnahan iska soo dhiibay Baydhaba ay noqonayaan tiradii ugu badnayd ee hal mar iska soo dhiiba Al-shabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay sii kordhayaan dhalinyarada iska soo dhiibaya Al-shabaab kadib markii ay soo ajiibeen baaqii dowladda.
PUNTLAND POST