Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xubno ka tirsan Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Isimada ka dhegaystay Aragtidooda ku aaddan Xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool.

” Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool ” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas sii raaciyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato dagaalka Laascaanood si loo joojiyo dhiigga qulqulaya.

PUNTLAND POST