Farmaajo oo ka hadlay doorashada qof iyo cod ee Puntland

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay doorashada cod iyo cod ee goleyaasha deegaanka Puntland oo loo madlan yahay 25 ka bishan May.

Farmaajo ayaa sheegay in doorashada tooska ah ee Puntland ay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “ugu horreyn waxaan reer Puntland, bulsho iyo maamulba, ku bogaadinayaa sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda”.

“Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed” ayuu ku daray.

PUNTLAND POST