Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Garoowe oo qarka u saaran in heshiis lagu dhammeeyo

Xiisadda la xiriirta doorashooyinka qof iyo cod ee ka taagan Garoowe ayaa qarka u saaran in maanta heshiis buuxa laga gaaro sida ay xaqiijinayaan xubno ka tirsan dhinacyada muransan.

Wada-hadal dheer kadib, dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa labaduba aqbalay waan-waantii laga dhex waday si loo xalliyo xiisadda taagan.

Dowladda Puntland ayaa ballan-qaaday in ay ka laabanayso waarankii soo qabashada ee siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan Maxamuud Shiddo iyo Xasan Abgaal.

Dhinaca kale siyaasiyiinta mucaaradka ayaa mabda’ ahaan aqbalsan in ay si nabdoon ku qabsoonto doorashada qof iyo cod islamarkaana ay ciidamada ka saaraan magaalada.

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa sida la xaqiijinayo kaalinta ugu muhiimsan ka qaatay xallinta xiisaddan oo lagu wado in ay wada-hadal ku dhammaato.

Waxaa xusid mudan in aysan weli fulin qodobada lagu xallinayo xiisadda taagan waxaase lagu wadaa in ugu danbayn maanta lagu guulaysto hawshaas.

PUNTLAND POST