PUNSAA oo tababar u furtay korjoogtada maxaliga ah ee doorashada Puntland

Dalladda urrurrada bulshada rayidka ah ee Puntland PUNSAA ayaa manta 400 korjoogtada maxaliga ah ee doorashada u furtay tababarka hababka casriga ah korjoogtaynta doorashada golayaaasha deegaanka ee la filayo in ay dhacdo 25 bishan Maajo. Tababarrada ayaa si wadajir ah uga furmay Bosaso, Garowe iyo Galkacyo oo ay ku kala sugan yihiin xubnaha korjoogtada ee tegaya goobaha darooshadu ka dhici doonto.

Tababarka ayaa soconaya muddo laba cisho ah ayay Korjoogtada ku baran doonaan
Daah-furnaanta doorashooyinka
ilaalinta Sumcada doorashooyinka
Dhisida kalsoonida shacabka ee doorashooyinka
Iyo hababka ay u isticmaali doontaan  qalabaka korjoogtadu  ay ku soo gudbinayaan  xogta xarumaha  Doorashada sida isticmaalka  systemka ODK system iyo sms  system.

Dallada PUNSAA oo qayb ka ah geedi socodka barnaamijka dimuqraadiyadda ayaa cayaaraysa kaalin korjoogto oo dhex-dhexaad u ah ururrada siyaasadda iyo danayeesha kale ee doorashadaba.

PUNTLAND POST