Ciidankii Beesha Warsangeli kaga harsanaa Somaliland oo ku biiray Puntland

Ciidankii u danbeeyay ee Beesha Warsangeli kaga harsanaa ciidamada Somaliland ee laga xukumo Taliska Ceerigaabo ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray Ciidamada Puntland.

Ciidankan oo ay hoggaaminayaan Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Giigi iyo Gaashaanle Maxamuud Buurmadow ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Xingalool.

Abbaan-duulaha guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Xuseen Dheere ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidankan waxaana uu ballan qaaday in loo dhammaystirayo xuquuqda iyo mushaharkooda.

PUNTLAND POST