Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac ka muujiyay khilaafka doorashada Puntland.
“Madaxda Puntland, waa in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka. Raalli kama noqon karno in muddoo kooban lagu dumiyo tacab 24 sano aan soo dhiseynay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta hadal ka jeediyay masaajidka madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay doorashada qof iyo cod ee Puntland mid aan loo dhameyn.
“Doorashada qofka iyo codka ah horay ayaa Puntland loogu tibaabiyay oo dadka haddii aanay raali ka ahayn, lama marin karo“ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaya xilli ay xalay golaha xukuumadda Puntland ansixiyeen soo jeedin ku saabsan wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland, halka siyaasiyiinta mucaaradka ay ka horyimaadeen taallaabadaas.
PUNTLAND POST