Ciidamo qabsaday kantaroolka Gaalkacyo oo xannibay isu socodka gaadiidka xamuulka ah

Ciidamo ka tirsan Puntland oo sida ay sheegeen ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa xirtay kantaroolka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Goob-joogayaal kala duwan oo ku sugan Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in Ciidankaas gadoodsan ay gebi ahaanba la wareegeen kantaroolka magaalada.

Gaadiidka kala duwan ee xamuulka ayaa sidoo kale ku xanniban kantaroolka Gaalkacyo kadib markii ciidanka gadoodsan u diiday in ay gudbaan.

Wararka ayaa sheegaya in halkaas ay ka socoto waan-waan lagu qancinayo ciidanka gadoodsan in ay jidka furaan islamarkaana fasaxaan gaadiidka ku xanniban.

PUNTLAND POST