Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in 1500 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah isaga carareen colaadda Suudaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horraysay ka warbixisay tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee isaga bara-baxay colaadda Suudaan.

Safiir ku xigeenka Soomaaliya ee waddanka Suudaan Danjire Axmed Cabdi Xasan ayaa sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 1,500 oo qof ay isaga carareen dalka Suudaan.

Danjire Axmed Cabdi Xasan ayaa ayaa sheegay in muwaadiniintaas Soomaaliyeed isugu jiraan Arday iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ugu noolaa Suudaan.

Safiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in safaaraddaha Soomaaliya ee dalalka Sudaan iyo  Ethiopia iska kaashadeen gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee ka cararay colaadda ka taagan dalkaas Suudaan.

PUNTLAND POST