Ciidanka kumaandooska gaarka ah ee Danab oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay degaanno laga xoreeyay Al-shabaab.
Ciidanka Danab ayaa deeqdaas raashinka ah ku caawiyay shacabka ku dhaqan magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud iyo degaannada hoos yimaada ee laga saaray Al-shabaab.
Degaannada ay deeqda gaarsiiyeen ciidanka ayaa waxaa kamid ah Ceel-Xaaji iyo tuulooyinka u dhow waxaana goob joog ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Saraakiisha ciidanka Danab ayaa sheegay in ay gacan kula dagaallamayaan Al-shabaab halka gacanta kalena ay ku caawinayaan shacabka laga xoreeyay kooxdaas.
PUNTLAND POST