Madaxweyne Deni iyo Isimada SSC oo lagu wado in ay kulan gaar ah ku yeeshaan Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu Todobaadkan dib ugu laabto Garoowe.

Madaxweyne Deni oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa la filayaa in uu Axadda ku laabto Garoowe.

Siciid Deni ayaa sida la xaqiijinayo Garoowe kula kulmi doona isimada dhaqanka SSC-Khaatumo iyo guddi qaabilsan gurmadka banii’aadanino ee Laascaanood.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadli doono dardar gelinta gurmadka banii’aadanimo ee loo fidinayo shacabka ku bara-kacay dagaalka Laascaanood.

PUNTLAND POST