Duqayn lagu beegsaday kooxda Daacish oo ka dhacday buuraleyda Gobolka Bari

Duqayn ka dhan ah maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacday buuraleyda Calmis ee Gobolka Bari.

Duqaynta oo ahayd mid xooggan ayaa sida la xaqiijinayo lagu beegsaday saraakiil ka tirsan argagixisada oo ku dhuumanayay godad ku yaalla buuraleyda Qandala.

Xogaha dhinaca amniga ah ayaa xaqiijinaya in Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM oo kaashanaya sirdoonka Puntland uu fuliyay Hawlgalkaas.

Maraykanka iyo Puntland midna weli kama hadlin khasaaraha duqayntaas lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Daacish.

PUNTLAND POST