Booliiska Israa’iil oo weeraray dad ku cibaadaysanayay masaajidka Al-Aqsa

Booliiska Israa’iil ayaa weerar ku qaaday tobannaan qof oo ku cibaadaysanayay Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus kahor waaberigii saaka oo Arbaca ah, sida laga soo xigtay goob joogayaal.

Dhacdadan ayaa waxa ay dhalisay mudaaharaadyo ka dhacay guud ahaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, waxaana milatariga Israa’iil ay sheegeen in sagaal gantaal looga soo ganay Qaza.

Rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ee la haysto iyo magaalada Quddus ayaa sii kordhay sanadkii lasoo dhaafay, waxaana laga walaacsan yahay in xiisaddu ay sii kororto bishan, maadaama bisha barakeysan ee Ramadaan ay ku beegan tahay maalmaha ciidda Yuhuudda iyo kuwa Masiixiyiinta.

Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in toddobo qof oo Falastiiniyiin ah ay dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta nooca cinjirka ah kadib markii ay isku dhaceen booliska Israa’iil oo ku sugnaa dhismaha Masjidka Al-Aqsa.

PUNTLAND POST