
Xiisadda Laascaanood ayaa ku sii fidaysa degaannada laamiga saaran oo marin u ah gurmadka iyo saadka Ciidamada Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde.
Iska hor-imaad hubaysan oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa xalay ka dhacay degaanka Adhicaddeeye oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Laascaanood.
Iska hor imaadka ayaa dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo shacabka Adhicaddeeye oo xirtay jidka laamiga ah islamarkaana diiddan in la dhexmariyo dhaawaca iyo meydadka Somaliland.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland iska hor-imaadkaas ku dileen laba haween ah oo mid kood markii danbe dhiig-bax u geeriyootay kadib markii ay diideen in isbitaal loo qaado.
PUNTLAND POST